Free Web Site - Free Web Space and Site Hosting - Web Hosting - Internet Store and Ecommerce Solution Provider - High Speed Internet
Search the Web

About

My Files qeybta jecelka boga dadweeynaha

anoo baahidaaydiyo
bukaan saasa aan qabin           
kaalama bakhayleen
howshaan kula bogan lahaa

adigoo bukaan iyo
balo saasa aadan qabin
baahidaydu darantahay
balowgaygu sahalyahay
basan baaska waxyahagu
macnaheedu burur yahay
beero jano bilicdooda
maraytahay bari samaad
bilig hilaac mid lamoodo
dumar badan bartankooda
basar basar kuma baran
xubna badan badan keeda
kuma qaban boga sare
qof haraadan biyo kama cabo
bali maran oona kama baxo
wax labeegto baryaheenaan
bashaal dumar inuu yahay
kama baqin
ma ilaawin baridaada
xaada daadsan bowdyahaaga
akama tagin baryadaada
waayo waayo baranayee
kaalay bilnee waayo cusub

anoo baahidaadiyo
bukaan saasa aan qabin
kalama bakhayleen
howshaan kula bogan lahaa

anigoo bulaan iyo
muran baahsan anangalin
howsha aanay bixin karin
kaba tagay boogaheeda
xubintii aan boobana
gacantaydu baraftahay
barashadu waxay tahay
wax labeero soomanoqon
dhul barwaaqo naqu baxay
qurux baahsan mid lasiiyay
afka baasheen uma galin
waxaan baarto naasaheeda
uma dhicin boqonkeeda
qof haraadan biyo kama cabo
bali maran oona kama baxo
waxa labeegto baryaheenaan
bashaal dumar inuu yahay
kama baqin
ma ilaawin baridaada
xaada daadsan bowdyahaaga
kama tagin baryadaada
waayo waayo baranayee
kalay bilnee waayo cusub

anoo bahidaadiyo
bukaan saasa aan qabin
kalama bakhayleen
howshaan kula bogan lahaa

 


samirkiyo dulqaadkuba
waa sad lagu ducaystee
saatir laga baryaana
lama wada sinaadee
ruuxuu eebe siiyaana
cidi kama saraysee
kii aan sugaayayoo
wacadkii ma saydhine
waan sidaa

sareediyo ladnaantuba
waa saami qayboo
mawluhu ku siiyaa
anna maan saluugine
saadaal wacnaataan
sacabada u tumayaa
kii aan sugaayayoo
wacadkii ma saydhine
waan sidaa

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Others

Haduu beerku qaybsamo             Red RosesBouquet
Badh baan adi ku siin laa
Wadnahayga bidixdana              
Blessings Of Easter...An Inspiring Wish !
Waan kuu bedeli laa
Kaagana waan la bixilaa
Waa booli dhiiguye
Kaalamaan bakhayleen
Nafta laba bahood noqon
Badhkaagaan ku siin laa
Biyo haddaad cabaysona
Bisinkaan ku dari laa
Bedenkaago faatoxo
Bohod baan uga dhigi laa
Illaah waxan baryaayaa
Aduunyada badhaadhiyo
Barkhad inaad ku waartoo
Aakhirana bishaariyo
Janada inaad ku barida


Indhahayga baalkiyo
Budu daan ku dhigi laa
A Single Step...         My Loving Thoughts Are Always With You...I Wish For You...               Diabetes Awareness
Sanbabkayga bilan baan                               
Badhtankiis ku gelin laa
Bacda dhegaha maqalkaan
Xubka kuugu qarin laa
Waxan beeri laa ubax
Soo bixiyay caashaqa
Habeenkii bogaygaan
Iigu beri ku odhan laa
Kolkaan soo baraarugo
Bishaaraan ku siin laa
Bidhaantaada araagaa
Bil khayr ugu ducayn laa
Illaah waxan baryaayaa
Aduunyada badhaadhiyo
Barkhad inaad ku waartoo
Aakhirana bishaariyo
Janada inaad ku barida


Waan baga bagayn laa
Kuu luli lahaa balag
Bila deyaan sidiisaan
Kuuu daawan lahaa bilic
Beeryarada oloshaan
Biyo sii ku odhan laa
Sida boga dhayihii
Waan kugu bogsoon laa
Had iyo jeer bariidada
Kaalamaan baydheen
Biyo haddaad cabaysona
Bisinkaan ku dari laa
Bedenkaago faatoxo
Bohodbaan uga dhigi laa
Illaah baryaayaa
Aduunyada badhaadhiyo
Barkhad inaad ku waartoo
Aakhirana bishaariyo
Jannada inaad ku baridaa


Qalbigayga bilan
Baruur kaaga dhigi laa
Caqligeena badan baan
Isku wada badhxi laa
Belaayada xijaabkaan
Burda kaaga celin laa
Bohal yoow kalgacal baan
Berisada ku tebi laa
Riyadaan habeen barad
Bacle kuu tumi laa
Barbaarta u horee baan
Bilcaaneey ku odhan laa
Bidhaantaada aragaan
Bilkhayr ugu ducayn laa
Illaah waxan baryaayaa
Aduunyada badhaadhiyo
Barkhad inaad ku waartoo
Aakhirana bishaariyo


My Contact Information

Links to Other Sites