3Cirku shubi ogaa roob Dhulku reys qaboobaa Ramastu udgoonaa Gesi raacdo dheera Fule maalin reeyaa Fadh fadh ragasho badanaa Ratigaan hayin aheyn Rarashada ku liitee Hadii uu ribada oo Rugta beerka weheshado Raxanraadka caashaqu Ruux weyn u daranaa Raxmadii naftaa maqan Raranbaa qalbigaa Mar ruugiyo lafta i jaban ugu sheeg kalgacalkiyo Caashaqa runtaa Rido igu wareeyoo Sida roon rabaa ogee Walee aniga lay rarayeey
       sida ubax gudoonsadey ama keyn ugbaadloon afka saarin xooluhu adiga oon ii iman urta caafimaadka leh koley adiga inaad tahey sow udgoonkii maan garan ma ogtahey jaceylkuna eebadu sitaa waa halis wadna kaala eegtaa adna uu xidid iidarey ambabaxayee socodka inaan eebe igu qadin adiguna gayaankey axdigana ha fududeyn
This is where we will explain how we got to where we are today. For example, we might talk about how long we have been in business and the way we apply that experience to our customers. Jacayl aan dhamaanbaa Dhexda iigu maranoo kii hore ayaa i dhaawacay kanna way igu dhaafee
Dhabuhuu ka foofiyo Dhib u qaad miyaan ahay Dharaaraba waxyaablaa igu soo dhacaayee
Allahayow dhib badanaa adoo dhoofey caashaqa dhul shisheeye kaa heley
Waaban soo dhaqaaqee dhiiranaa il adaga dhabaha yuu lasoo marey dhawr habeen dayaaradi meel ay udhixi buu dhakhso iigu yimide dheereeye maxaa side
Waxa kaloon la dhaygagay koron korta dhirteedii dhulkoo hodon ah geedaha dhayntiyo canba is xidhey kayn libaax ilmaha dhigo anigoo ku dhuuntuu igasoo dhex saaree dhaayihiisu furanaa ma dhal awliyaadbaa
Hurdo miyaan dhakoolaa dhan markaan useexdaba soow dhool la moodii dhabta anoo ku heeysta kuma soo dhadhabayoo dheelalow ma soo kaco
Soomaaliya Dhankeedii Dhawaq farax leh mooyee Dhiilo kama sugaayee
Allahayow iyadoon dhiman Dhaban quruxsan oo ladan Kalgacaylkii dhicin waliba dhir sii korey dhulkiiyoo barwaaqaa dhamaantayo na nabad gee
Sida mayda geeloo malkadii nugaaleed maqasha loogu xidhayoo mahiigaanka oo da'ay cosobkii macaanaa lagu mayracaayo baar qabkii ku madan tahaye qaalmaha maliilicay madidii irmaaneyd laga maalo caanaha maatidu ku nagidahay martidana la sooroo masiibada la neceb yahan alla wiilku mudanaa mudanaa macaanaa ragu magac qurxoonoo alla yaa malyuun jeer maalin iyo habeenkii muuqiisa daawada
Sida maniyo hoobaan muguc iyo xareedii hoos maaxayaanoo midabkoodu u dheer yahay muda ay bislaadeen malmuhu is gaadheen maroodigu dhirtii cunine ama xoolihii madhin milicdii arooryaad balan uma diideen yaan madiyow waligey kugu meehanaaboo maankeygu kaa hadhine alla wiilku mudanaa mudanaa macaanaa ragu magac qurxoonoo alla yaa malyuun jeer maalin iyo habeenkii muuqiisa daawada
|